Daladan al ixtisaab ee barashada diinta islaamku  waa dalad diimeed local ah oo aan macaash doon ahayn kanamadaxbanaan siyaasad taasoo kadhalatay fikir kayimid bulshada oo isuxilqaaameen  culimaau diin u dhashay deegaanka soomaalida itoobiya iyagoo lakaashanaya golaha sare ee arimaha islaamka kadib markay arkeen in ay bulshada islaamka ah ee dalka kunool inay ubaahantahay cid kahaqabtirta baahidoodii diimeed ee ay xaqa ulahaayeen dastuurkuna uu ogolaaday inay shucuubaha qowmiyadaha iyo dadyawga itoobiya nin waliba diiintiisa dhaqankiisa iyi luqadiisaba u uxor uyahay inuu barto kudhaqmo horumariyo dhibaatadan oo sigaar ah usiisaamaysay dadka kunool deegaanka soomalida itoobiya ayaa dakii culimada ahaa ay aasaaseen daladan oo waxbadan soo kordhin doonta.
Jamciyadan oo ah mid katimid muwaadiniintii ugu mudnayd aqoonta diinta islaamka ayaa ah mid intaan lasoobandhiginba iskeed waxbadan kasiiqabatay baahiyihii ay bulshadu uqabtay diinteeda dadaalo badana kasamaysay sanooyinkii ugudanbeeyay deegaanka soomaalida itoobiya dadaaladaas ayaa ah kuwa midha dhalay oo cid kasta oo danaynaysa ay arki karto.
daladan waa mid diimeed oo dadka u dhexeesa looguna talogalay inuu bulshada wax katarto adeegyada loogutalogalay qof kasta oo danaha loo aasaasay kuqanca wuu kamid noqon ,sidoo kale taageero ayuu unoqon karaa gacana wuu kagaysan karaa hawlaha ay daladu wado.
daladan cidna gacan kamahesho marka lagareebo dadwaynaha ay u adeegto, ey iyadu gacan ufidiso, laakiin waa danguud cid kasta oo samaha jecelna gacan way kagaysan kartaa .
Hawlaha dalada uqabsoomay:
Ayaduu daladu gudanaysa xilka culus ee kasaaran diinta islaamka iyo fidinteeda, ayay waxay ku talaabo qaaday hawlo badan laxidhiidha dacwada, ayaa intay kusoo guda jitay u hirgalay oy xaqiijisay daladu al ixtisaab:
Quraanka kariimka ah oo barashadiisii ay dadku usoo noqdeen kadib markii lagubadalay qaabkii hore ee lagubarijiray ee waxkaqaadashada ahaa oo lagubadalay alle uunwaxkadoonimo (Ixtisaab) qaabkaas oo dadkii jeclaysiiyay quraankii kariimka ahaa kunadhiirigaliyay inay bulshadu siiso mudnaantuu lahaa.
Bulshadeeniii reerguuraaga ahayd oo lagu dhiirigaliyay inay degmo ay kusuganyihiin yeeshaan si ay iskumeel unoqdaan maadaama madaaristan ixtisaabka ee ay arkeen noloshooda markii ugu horaysay ay qaabkan kagafaaiidaysan karaan
Waxaa lagufidiyay golayaashii Ixtisaabka meelobadan oo dalka miyi iyo magaalaba ah.
Waxaa lahirgaliyay in laqabto koorsooyin lagukobcinayo aqoonta diimeed ee ay macalimiinta golayaashu leeyihiin taasoo waxbadan usookordhisay baris barashdii.
Waxaa lahirgaliyay oo hawlgala macaahid wax baro dadka waawayn ee ubaaahan barashada kuwaas oo aan fursadba horay uguhelin ama ay kakalagoday.
Waxay golayaashu aad udhiirigaliyeen waxbarashada dumarka yar iyo waynba taas oo markiihore aad uliidatay haday jirtayba siiba meelaha miyiga ah.
Waxaa aad udhiiri galisay oy aad ubalaadhisay goobihii cibaadadada sida masaajida.
Waxaa lagu guulaystay dhamaystirka dhismaha masaajid waawayn oo laga dhisay meelo badan oo miyiga ah gaar ahaana dhawr magaalo oo deegaanka ah.
Waxaa kaloo dhamaaday dhismaha machadka culuumta islaamiga ah ee sibawayhi oo loogu talo galay in lagu qaato shahaada diplomta sare oolagadhisay jigjiga.
Waxaa albaabada loofuray dhamaan culimadii kufiridhsanayd bulshada dhexdeeda kuwaas oo qaarkamid ah lafadhiisiyay meelo ay dadku kagafaaiidaystaan.
Xidhiidh lalasameeyay dariiqooyinkii kajiray deegaanka oo midho dhalay.
Baraarug horumar oo kahanaqaaday dhamaan goobaha ay daladu ka hawlgasho dhaqan iyo aqoonba taasoo kutimid wacyigalin iyo midayn ay bulshada kadhex abuurtay.
Hadafka iyo ujeedada dalada:
1.Sidii bulshada lilooga haqabtirilahaa baahida diimeed ee kajirta.
2. sidii golayaasha ixtisaabka loogusiifidin lahaa dalka meelkasta ooy baahi kajirto barashada quraanka kariimka ahna looga dhigi lahaa mid tayaysan oo horumarsan.
3. in kor loo qaado midaynta manhajka waxbarashada diiniga ah siiba maadooyinka caqiidada islaamka iyo mad habka fiqhiga si jiilka uuna ugu d