dalladan waa mid ka shaqaynaysa faafinta barashada diinta islaamka

Dabaaldagii mawliidka

Iyadoo lagu jiro bishii barakaysnayd ee uu dhashay nabigu (scw) nuurkuna usoo baxay dunidan oo sndguradeeda ay xusaan dhamaan muslimiintu meel walboo ay joogaanba ,
Munaasabadan ayaa wayn ayaa kaqabsoontay maalintii mawliidka ahayd, xadrada guul alla halkaasoo siwayn loogu dabaaldagay maalintan qaaligaa , ahaydna mid si heer sare ahna loosoo qaban qaabiyay ayaa waxaa kazoo qayb galay bulsho aad u tira badan si ay u muujiyaan jacaylka ay uqabaan suubanaha(scw) una soo bandhigaan shucuurtooda ku aadan dhalshadiisa,
 Halkaasoo lagu soo bandhigay barnaamijyo si quruxbadan loosoo abaabulay, oo add uxiiso badan, kuwaasoo loogu dabaaldagayay malintii dhalashada nabigeena suuban(scw) waxaana munaasabadan kahadlay culaamaudiin farabadan kuwaasoo madasha kazoo jeediyay muxaadarooyin aad u qiiro badan oo kusaabsan siirada xabiibka(scw) iyo sidoo kale mawaadiic wacyigalin ah, iyadoo intii ay munaasabadu socotay lagu soo bandhigay,anaashiid aad u macaan ooy kuluuqaynayeen, arday wax kubarata dugsiya ay asaastay daladu , siddoo kale qasaaid lagu amaanayay xabiibka (scw) munaasabad oo ahay mid aad loogu riyaaqay ayaa kusoo gabagabawday jawi aad uquruxbadan ooy hadhaysay farxad iyo raynrayn.