Wxaa bilawday dawrooyinkii sanadlaha ahaa ee duruusta loogu fidin jiray dhamaan macalimiin iyo kaalkaaliya yaasha ka hawlgala goobaha waxbarashada ee hoosyimaada dallada al ixtisaab, furitaanka dawrooyinkan oo muda kooban soconaya ayaa looga danleeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa heerka aqooneed ee macalimiinta dugsiyada wax kadhigta iyo kuwa hada loo diyaarinayo, si ay ugu gudbiyaan bulshada aqoon tayo leh oo dhamays tiran, una gutaan waajibkooda iyadoo muda gaaban lafasaxay dhamaanba dugsiyadii ay ka hawl galayeen si ay bal iyana dhankooda u helaan jaanis ay oqoon korodhsi ku sameeyaan.Hadaba culimadan oo aad u tiro badan ayaa waxay koorsadan kuqaadan doonaan cashiro ka kooban dhamaan funuunta culuumta diinta eek ala gadisan taasoo ka caawinaysa dhaqdhaqaaqooda dacwadeed eey ku hawlanyihiin una gudan lahaayen xilkaa diimeed iyagoo aqoon u leh.Waxayna ku qaadan doonaan hadii alle idmo fuunta ay kamidka yihiin:Fiqhiga  caqiidada axaadiista  suluuga  tajwiidka naxwaha sarfiga adabka musdalaxa iyo waliba maadooyin kale.Dhamaan duruustaa ayaa waxaa lagu bixinayaa manhaj fudud oo sifiican loo habeeyay .Waxaan u rajaynaynaa guul