munaasabadii xuska

Dhanka kale qaybaha kalee bulshadu meesha kama maqnayn sida maxdhaqameedyada, iyo bulsha qaybeheeda kala duwan lab dhadigba.

Sidookale xubnaha dallada ee munaasabadan kasoo qayb galay ayaa ahaa kuwo tiradoodu aad oga badantahay intii lafilaayay,inay usuura gasho. Xubnaha oo inta badan isugu jiray macalimiin, arkaan, mudiiro, iyo ardayda golayaasha ayaa warbixinohoodii guud iyo tii gaar ahaaneedba laga soo jeediyay madashiikulanka,waxaana sidoo kale barbarsocday warbixinta tartano taxfiidka qura`anka kusaabsan oo looqabanayay ardaydii laga soo xulay golayaasha, oo 3 heer loo tartansiiyay , heer walbana ay ku guulaysteen 3 arday, halkaana ugu danbaytii lagu gudoonsiiyay kuwii ku guulaystay kaalmaha sare abaalmarino qaali ah, oo geel ubadan. 

Gabagabadii munasabadu waxay ku soo dhamaatay jawi farxadeed, oo aad u dagan oy raynrayni hadhaysay, waxayna dhamaan isku sagootiyeen walaalihii kasoo qayb galay kalgacayl iyo wanaag isuna dardaarmeed xaqa in lagu adkaado samirka?na lasahaydo

.