Olole lagu wacyigalinayay bulshada sakada

Waxaa la bilaabay olole dacwadeed kaasoo kaasoo lagu baraarujinayo laguna wacyi galinayo bulshada ahamiyada rukniga zakada ku leeyahay diinta islaamka iyo sidii loo soo noolayn lahaa ruknigaa wayn ee aasaasiga ah. Ololohan oo qayb ka ah dadaalada ay ugu jirto daladu u adeega diinta islaamka, ayaa waxay daladu ukala dirtay xubno culimo ah maxtasibiina kuwaasoo u kaba gashaday inay gaadhsiiyaan bulshada fariintaa fahan dheeri ahna kasiiyaan bulshada masaaisha sharciga ah ee la xidhiidha sakada, si loo dhaqan galiyo, wafdiga oo isu kala qaybiyay meelo badan ayaa waxay si gaar ah xooga u saarayaan bulshada xoola dhaqatada ah iyo beeralayda, iyagoo soo maraya goobaha ay ku dhaqanyihiin, si ay aqoon dheeraad ah oga siiyaa axkaamta sakada qadar ay ku waajibto qiima laga dhiibayo qadarkaas iyo wixii lamid ah,

Hadaba ruknigan aasaasiga ah ee sadexeeya arkaanta islaamka oo mudan in ladardar galiyo laiskana kaashado sidii saaxada loogu soo celin lahaa