Dhagax diga masjidka sh/c.raxmaan zaylaci

Dhagax diga masjidka sh/c.raxmaan zaylaci

waxaa ka bilawday 1dii dhagax dhiga masjid cusub oo loo gu magac daray sh.c. raxmaan zaylaci kaasoo dhismihiis laga fulinayo magaalada jigjiga masjidkan oo lagu wado inuu kamid noqon doono masaajida ugu waawayn ee lgu oogoo shacaairta diinta islaamka iyo gudashada waajibaadka, ayay soo abaabushay dalada al ixtisaab iyadoo lakaashanaysa golaha sare ee arimaha islaamka dawlada deegaanka soomaalida, waxuuna qayb ka noqonoyaa masaajido badan oy horay daladu oga hirgalisay meelo kala duwan, iyadoo ka jawaabaysa bahida bulshada bulshada ee ku aadan goobaha cibaadada, iyo sidoo kale baraajinta iyo wacyi galinta umada, si ay u helaan meel ay ku bartaan diinteena suuban iyo booskay ku gudan lahaayeen cibaadada alle faray, waxayna talaabadani noqonaysaa mid kor loogu sii qaadayo dacwada islaamka laguna sii xoojinayo dadaalada loogu jiro fidinta, fidinta diinta islaamka. Sidoo kale masjidkani wuxuu kaalin muhiim ah ka qaadan doonaa hawsha loogu jiro in lasoo saaro cudud leh aqoon diineed oo tafatiran iyo aragti fayaw oy umadooda kaga saaraan mugdiga jahliga ee hadheeyay ogana birmadaan oqoon la,aanta ka haysata diinta xaniifka ah. Hadaba masaajidkan oo ah mid aad u wayn ku na fadhin dhul ay baaxadiisu balaadhantahay ayaa lagu raja waynyahay in lugu soo gabagabeeyo mudo aad u kooban, si ay muslimiintu ugu intifaacaan.