Waxaa xadrada guul alla ee magaalada jigjiga lagu qabtay munaasabadii xuska aabo sayid cumar (duwaangadi).oo sanad walba hadahaan oo kale  laqabto gaar haan sagaalka bisha rajab ee tirsiga hijriga, xuskan oo kulmiyay dadwayne aad u tira badan oo kakala socday meelo kalo duwan jidad dhaadheera u soo gooyay inay munaasabadan barakay kasoo qayb galaan kuwaasoo isugu jiray dhamaan qaybaha kaladuwan ee bulshada ayaa waxaa kadhaxmuuqanayay culamaau diin waawayn odayaal, iyo muriidiintii sayidka jeclaa kuwaasoo aad ugu faraxsanaa habkay u qabsoontay munaasabadan, ay isugu yimaadeen walaalo dar alle ku kulmay isuna jeclaaday. Munaasabada oo aad uu xiiso badnayd laguna wadaagay amdaax iyo nafaxaad badan ayaa kusoo xidhantay farxad iyo rayn rayn aan lasoo koobi karin